- July 16, 2024
- Posted by: Muctar Hersi
- Category:

Iyadoo ay dhawaan doorashooyinkii baarlamaanka iyo madaxweynaha lasoo
gabagabeeyay, Puntland—oo ah dowlad-goboleed xubin ka ah dowladda federaalka—
ayaa ku jirta marxalad xasaasi ah. Khilaafyada gudaha, walaaca amni, mustaqbalka iyo sidoo kale xiriirka ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).
Doorashooyinkii dhawaan dhacay ayaa isku dhacyo hubeysan ka dhaliyay magaalooyinka
waaweyn ee Puntland, iyadoo rabshado ay ka dhasheen tabashooyin la xiriira sida
loo maareeyay doorashooyinkii ka dhacay gobolka. Waxaa intaa dheer, in colaadda
Laascaanood ay kordhisay tirada maleeshiyo beeleedyada iyo helitaanka hubka. Balse in
hoggaankii joogay dib loo doortay ayaa fursad siinaysaa dib-u-heshiisiin gudaha ah iyo
dib-u soo-nooleynta geeddi-socodkii dimuqraadiyeynta ee uu hakadka ku yimid.
HALKAN KALA DEG QORAALKA OO DHAMEYSTIRAN